Talyaaniga oo Soomaaliya gacan ka siinaya dhinacyada Amniga iyo wax soo saarka Beeraha iyo Kaluunka.

xudayfa-515x289Dowladda Talyaaniga ayaa daboolka ka qaadday in inay dowladda cusub ee dalka Soomaaliya ka gacan siineyso xoojinta ammaanka, tababarka ciidamada iyo dhinaca wax soo saarka Beeraha iyo Kalluumeysiga.HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRRO.

Guilio Terzi, Wasiirka Arimaha Dibadda Talyaaniga ayaa isagu hadalkan ka sheegay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo uu kulan kula yeeshay Fowsiyo Yuusuf Xaaji, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya  oo safar shaqo ku joogta dalkaasi.

HALKAAN KA DAAWO KHUDBADAHA

“Talyaanigu wuxuu ka taageeri doonaa Soomaaliya xoojinta ammaanka, tababaridda ciidamada booliska iyo kobcinta wax soo saarka Beeraha iyo Kalluunka” ayuu yiri Terzi oo saxaafadda u warramayay ka dib kulankii Marwo Fowsiya iyo isaga.

Fowziyo Yuusuf ayaa iyaduna sheegtay dhinaceeda in ay ku faraxsan tahay in dib loo soo nooleeyo xiriirkii qotada dheeraa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Talyaaniga.

“Innaga iyo Talyaaniga waxaan ku heshiinnay in lasoo nooleeyo dhammaan heshiisyadii dowliga ahaa ee ay labada dal horay u wada galeen burburkii 1991-kii ka hor, taasna waa guul weyn oo lagu faani karo,” ayay tiri Fowsiya oo shirkaasi saxaafadeed hadallo kooban ka jeedisay.

Booqashada ay wasiirraddu ku joogto dalka Talyaaniga ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay ku tagto dalkaas tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxayna horay u soo martay dalka Ingiriiska oo ay muddo dheer qoxooti ahaan ugu noolayd.

Talyaaniga ayaa isha ku hayay marxaladihii ay Soomaaliya soo martay tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo 21-sano laga joogo, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Guilio Terzi uu sanadkii 2011 booqasho ku tegay magaalada Muqdisho.

Dowladdan Talyaanigu xilligii lakala qeybsaday Afrika, waxay gumeysan jirtay gobollada Koofureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo madaxbanaanidii ka dibna uu labada dal ka dhexeeyay xiriir Ganacsi, gaar ahaan Muuska iyo sidoo kale xiriir diblomaasiyadeed oo dhinacyo kala duwan lahaa.

SomaliSwiss Roma

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: