DAAWO: Magaalada Berbera oo sameysay horumar baaxad weyn oo soo jiitay Indhaha Dadweynaha booqanaya.

DSC06548Magaalada Dekedda Leh ee Berbera waxay samaysay horumar badan oo dhinac walba leh waxaana ay magaaladu hadda gaartay  meelo fog oo aanay horey dhismayaasheedu u gaari jirin, waxa hada ka socda horumar baaxad leh oo ay samaynayaan dadka deegaanku kuwaasi oo ay kaga dhisayaan dhismayaal casri ah oo u badan Hoteello lagu raaxaysto oo ay degaan dadka socotada ah. HOOS KA DAAWO SAWIRO BADAN.

Waxaa lagu qiyaasa dadka ku nool magaalada Berbera tiro ahaan 200`000 qof, waxay leedahay laba Jaamacadood oo kala ah Golis Berbera iyo Alpha, waxaa kale oo barbar socda kuuliyadda barashada cilmiga badda, sidoo kalena waxaa ku yaala ilaa saddex dugsi sare oo ay dhigtaan arday tiro badan.

Berbera haatan waa meel camiran deked ahaan waxaana maalin walba ku soo xirta tiro doonyo iyo maraakiib ah kuwaasi oo sida badeecad ganacsiyo kala duwan iyo gaadiid tiro badan, waxaa ku yaala Berbera garoonka diyaaradaha labaad ee Afrika waxaana hada isticmaala dadka dhamaan ku socda  Somaliland maadama garoonkii Hargeysa yahay mid hada la dayactirayo

Kaydka haamaha shiidaalka ayaa ah mid isaguna si weyn u camiran oo ay maalin walba ka baxaan boqolaal booyadood oo shiidaal u sida gobollada iyo degmooyinka kale ee Somaliland.

Xeebta Batalaale ayay maalin walba isugu yimaadaan boqolaal dhalinyaro ah oo ka yimaada deegaannada kale ee xuduudka lawadaaga, gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, haba ugu sii badnaato maalinta jimcaha ee ay dadku fasaxa ku jiraane waxaana marka aad dabaasha dhamaysato aad cabitaan iyo cunisba u tegi kartaa Hotel Maansoor Berbera oo ka soo horjeeda goobta lagu dabaasho.

Halkaan hoose ka daawo Sawirada qeybo ka mid ah Berebera.

HALKAAN RIIX SAWIRADA HARGEYSA April 2012

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: