Allaha u naxariistee Marxuum Marshaale oo dilkiisii lasheegay in Wadaado Al-Itixaad ah ay ka abaabuleen dalka UK.

marshaaleAllaha u naxariistee Majaajiliiste Marshaale oo oo ay dhowaan kooxo hubaysani ku dileen magaalada Muqdisho ayay warar lagu kalasoon yahay sheegeen in ay dilkiisa maleegeen oo ay ka dambeeyeen wadaado ku abtirsada ururkii Al-Itixaad oo saldhigoodu yahay dalka UK. HOOS KA DAAWO RIWAAYADISII U DAMBEYSAY EE AL-ITIXAAD QOONSADEEN.

Baaritaano iyo dabagal lagu sameeyay cidda dilkiisa ka dambeysay ka dib, Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay dad kala duwan oo ay aad isugu dhowaayeen Marxuumka ayaa sheegay in dilkii loo geystay marxuumka laga soo maleegay dalka Ingiriiska, isla markaasna si weyn looga shaki qabo in ay ka dambeeyeen wadaado Al-Itixaad ah oo ku sugan dalka UK, kuwaas oo la sheegay in ay hanjabaado u soo direen marxuumka, intii aan la dilin maalmo ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii  uhanjabay marxuumka ay aad uga careysnaayeen Riwaayaddii ugu dambeysay filim uu jilo, taas oo ka hadleysay arrimo kala duwan oo ku saabsan musuqmaasuqa iyo qiyaanada lagu shaqeysto, iyadoo lasheegay in ay wadaadadaasi ku dhaarteen inuusan wax dambe jili doonin, taas oo sidii ay u sheegeen u dhacday.

Halkaan hoose ka daawo Riwaayaddii ugu dambeysay ee uu sababsaday Marshaale.

%d bloggers like this: