Fowsiyo Yuusuf Xaaji: Dalkeenu waa hodan waxaana haboon inaan ka shaqeysanno, kana faa’ideysanno Kheyraadkiisa.

Wasiirka A. DibaddaWasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku boorisay Qurba Joogta Soomaaliyeed iney dib ugu laabtaan dalkooda si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka Dalka. DAAWO HADALKEEDA IYO SU’AALO AY KA JAWAABTAY.

kadib kulan ay magaalada London kula qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska.

Wasiirka arrimaha dibadda oo safar shaqo ku joogta Magaalada London ayaa sheegtay in dalkeena uu yahay qani, ayna ka buuxaan kheyraad farabadan balse dadka Soomaaliyeed looga baahanyahay sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen.

Marwo Fowsiyo ayaa intaa ku dartay in dowladdu ay ka shaqeyneyso amaanka iyo Hurumarka dalka, iyadoo qurbajoogta Soomaaliyeed ku boorrisay in ay usoo jeestaan Horumarinta dalkooda intii ay maalgashan lahaayeen waddamo shisheeye.

Wasiiradda oo la hadleysay qurba joogta Soomaaliyeed waxay tiri: ‘’Dalkeenu waa hodan waxaana haboon inaan ka shaqeyno horumarintiisa intii aynu Qaxooti ku ahaan laheyn wadamo shisheeye’’.

Sida horay loo sheegay Safarka wasiirka ay ku joogto dalka Britain ayaa gogol xaar u ah safar uu Madaxweynaha Jamhuuriyada F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu bisha May ee sanadkan ku tegidoono dalka Britain iyadoo la filayo in Marwo Fowsiyo ay la kulanto dhiggeeda dalkaasi.

SomaliSwiss      London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: