Advertisements

Dowladda Sacuudiga oo ugu deeqday Dowladda Soomaliya 271-8 milion oo dolarka maraykanka ah.

AmiirWasiirka arrimaha gudaha dalka Saudi Arabia Amir Maxamed Bin Nayif Bin Abdi Asis oo boqortooyada ay u xilsartay hawlaha gar garka dalka Soomaaliya ayaa shegay in deeqdan lagu fulin doono barnamij loogu gar gaarayo dadka ay sameynta ku yeelatay abaarihi ku dhuftay wadanka sanadii 2011-kii, waxana uu shaaca ka qaaday in dadkasi lagu tageeri doono lacago qiimahoodi garaya 271-8 milion oo dolarka maraykanka ah una dhiganta 875-kun riyalka wadankasi laga isticmaalo.

Amir Maxamed Bin Nayif ayaa ku dhawaqay tagero malayiin dolar ah oo lagu taagerayo shacabka Soomaaliya ay sameenta ku yeelatay abarihii sanadii tagtay ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada wadanka Soomaaliya.

Sida uu sheegay La taliyaha wasiirka arimaha gudaha dawlada boqortooyada Saudi Arabia in hawlaha gurmadka gar gaarka bini aadanimo ay u fidinaayan Soomaaliya ay soo bilaabmatay tan iyo bartamihi sanadii tagtay kadib abaro ka dilaacay bariga afrika oo samen balaaran ku yeelatay qaar kamid ah gobolada wadanka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Gargaarkaan ay bixinayso Sacuudiga waxa uu ku soo beegmaya waqti ay dawlada Saudi Arabia iyo hay,adda iskashiga islamka ay kala saxiixdeen heshiis ku qatoma sii dar dar galinta qidmadaha adeegyada asaasiga u ah caruurta.

SomaliSwiss     Riyadh

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: