Advertisements

Baarlamanka Soomaaliya oo ka codsaday Xukuumadda in ay u soo gudbiso tirada shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada qalabka sida.

Barlamaanka Cusub.jpg2Baarlamanka Soomaaliya ayaa xukuumadda weydiistay inay soo gudbiso tirada ciidamada dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah ee mushaarka la siiyo, iyadoo dalabkan uu imaanayo xili mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ay shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen miisaaniyadda ay xukuumadda Soomaaliya ku shaqeynasyso sannadka soo socda 2013.

Mahad C/lla Cawad oo ahGuddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shalay ka hor-hadlayay xildhibaanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay inaysan ogeyn tirada ciidamada dowladda ee mushaarka la siinayo, isagoo xusay inay lagama maarmaan tahay inay ogaadaan tirada ciidamada.

Mudane Cawad oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan ka codsanaynaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Maaliyadda inay baarlamaanka u soo gudbiso tirada ciidamada dowladda ee mushaarka la siiyo iyo shaqaalaha rayidka ah,” wuxuuna intaas uu raaciyey in xukuumadda laga sugayo soo gudbinta tirada dadka ee qaranka u shaqeynaya marka uu baarlamaanku kasoo laabto fasaxiisa.

In kastoo baarlamaanka uu shalay ansixiyay Miisaaniyadda dowladda, haddana Codsiga ka soo yeeray Xildhibaanadda Barlamaanka  ayaa noqonaya mid lagu xaqiijinayo ama lagu dabagelaya lacagaha ay Wasaaraddu u bixiso Mush-haar ahaan, wana arrin muhim ah oo loogu hortagaya Musuqmaasaqa.

Sida lagu soo warramay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay galayaan fasax lixdan maalmood ah, inkastoo go’aanka lagu dalbanayo tirada ciidamada iyo shaqaalaha uu noqonayo kii ugu horreysay oo uu baarlamaanku u gudbiyo xukuumadda.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: