Wasiirada arrimaha dibada Soomaaliya iyo Britain ayaa waxaa la filayaa in ay Saacadaha soo socda ku kulmaan xarunta wasaradda arrimaha dibadda ee dalkan Britain.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Marwa Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo shalay safar shaqo ku soo gaartay magaalada London dalka Ingiriiska ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay, waxaana la filayaa intii ay joogto inay la kulanto Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in booqashadeeda London ay gogol xaar u tahay booqasho la filayo In madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud Iyo wafdi uu hogaaminayo ay bisha May ku tegidoonaan dalkaasi.
Booqashada ay ku timid dalka Britain Marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji ayaa noqonaysa tii ugu horeeysay tan iyo markii loo magacaabay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.
SomaliSwiss     London
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.