R/wasaare Saacid oo warbaahinta kula hadlay shacabka.

???????????????????????????????Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta kormeeray Xarunta wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

 

Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon meelihii uu soo kormeeray ayaa waxaa kamid ahaa Keydka Radio Muqdisho, xarunta Istuudiyeyaasha Radio Muqdisho iyo Telefinsha Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna si Toos ah Radio Muqdisho ugala hadlay dadweynaha Soomaaliyeed isagoo u sharaxay qorshaha Xukuumadda ee Ku dhisan siyaasadda, amniga, wax ka qabashada dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Sidoo kale Mudane Saacid ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ugu horeyn ay aaminaan dowladda si Xukuumadu dalka uga hirgeliso Qorshaha cad ee u hiilinaya dadka iyo dalka Soomaaliyeed isagoo si rasmi ah uga codsaday in ay garab istaagaan xukuumadda si loo soo celiyo sharafta iyo karaamada dalka iyo dadkeena.

Dhanka le Mudane Saacid ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadka Soomaaliyeed ay gartaan in taageeradooda ay Xukuumadda u tahay waxtarka weyn oo xagga Muraalka ah, wuxuuna tusaale u soo qaatay in taageerada caalamka ay ka muhiimsan tahay taageerada bulshada Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii R/wasaaruhu wuxuu yiri: “Waxaan ilaahey ka rajeyneynaa in Soomaaliya noqoto mid isku duuban dadkeeduna isjecelyihiin islamarkaana dhankooda ka hirgeliyaan ballan qaadka xukuumadda ee boqolka maalmood”.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSiss@hotmail.com

%d bloggers like this: