Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta kulan la qaatay wafdigii heerka wasiir ahaa ee tagay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xassan-mohamudMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay  wafdigii heerka wasiir ahaa ee booqashada ku tagtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

 

Madaxweynaha iyo wafdigii ka socday dowladda ee tagay Kismaayo ayaa ujeedada Kulankoodu ahaa mid ay ku kala warqaadanayeen, wuxuuna Madaxweynuhu uu  mas’uuliyiintaas ka dhageystay warbixintii ay kala xaaladda magaalada Kismaayo iyo kulankii ay la soo qaateen maamulka KMG ah, Odayaasha dhaqanka iyo shacabka ku dhaqan Kismaayo. uu la qaatay

Sidoo kale Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa R/wasaaraha dalka, wasiirka wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta, wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka, wasiirka wasaaradda difaaca dalka, wasiirka cadaalada Owqaafta iyo arrimaha diinta, xildhibaano iyo saraakiil ciidan.

Ugu horreyntii Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa madaxweynaha uga warbixiyay kulamadii ay la qaateen maamulka KMG ah ee ka jiro kismaayo iyo Odayaasha dhaqanka waxa uuna wasiirka xusay in kulankooda uu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarada.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ayaa madaxweynaha u sheegay in ay booqdeen goobo muhiim ah kuwaas oo ay ka mid tahay dekada Kismaayo iyo Isbitaalka waxa uuna xusay in Isbitaalka ay ka jirto duruuf adag.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa uga mahadceliyay wafdigii sida wanaagsan oo ay ugu kuurgaleen xaalada magaalada iyo nolosha shacabka ku dhaqan, waxa uuna tilmaamay in dowladu ay wado qorshe ku aadan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Ugu danbeyntii Prof Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu si gaar mahad celin ugu soo jeediyay xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda warfaafinta taas oo magaalada Kismaayo ka hirgalisay Idaacada FM ah oo laga dhageysanayo Radio Muqdisho si shacabka looga wacyi-galiyo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSiss@hotmail.com

%d bloggers like this: