Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso sannadka 2013-ka.

Codeynta-baarlamankaKulana ay maanta isugu yimaadeen Xidlhibannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda ay xukuumaddu ku shaqeyn doonto sannadka 2013ka, kaddib markii wax ka bedel lagu soo sameeyay qodobbadii ay Xildhibaanadu doodda adag ka yeesheen kuna diideen miisaaniyada todobaadkii hore.

Shirkii lagu ansixiyay Miisaaniyadda ayaa waxaa soo ka qayb-galay Wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, wuxuuna sharraxaad ka bixiyay qodobada ay xildhibaannadu horay uga doodeen isagoo sheegay in dhaqaalihii ku baxayay xafiisyada madaxda dowladda la dhimay, sidoo kalena la kordhiyay dhaqaalaha ciidamada ay mushaar ahaan iyo gunno ahaan u helayaan.

Sidoo kale Mudane Suleymaan wuxuu sheegay in gunnooyinka ay ciidamadu qaadan doonaan ay ka badan tahay 11 milyan oo doollarka Mareykanka ah, sidoo kalena horumarinta adeegyada bulshada ayuu sheegay inay ugu talo-galeen lacag ka badan 31 milyan oo doollar.

Waxaa kale, wasiirku uu sheegay in qorshayaasha u degsan uu yahay inay jaan-gooyaan canshuuraha laga qaadayo alaabooyinka dalka soo galaya, isagoo xusay in jaangoyntan ay saameynayso guud ahaan dekedaha iyo garoomada dalka ee ay wax kasoo dagaan waxna ka dhoofaan.

Wasiirka oo ka hadlayey Canshuuraha wuxuu yiri: “Waxaan rajo weyn ka qabaan in lixda bilood ee sannadka soo socda ugu horreysa uu dhici doono isbedel weyn oo dhinaca daqliga ah,” wuxuuna intaas ku daray in la canshuuri lagu saleyn doono sharciyada dalka.

Faahinta uu Wasiirka Maaliyaddu u jeediyey Xildhibaanada, kaddib awaxaa cod gacn-taag ah loo qaaday Miisaaniyadda dalka oo ay mudanayaal ka tirsan baarlamaanku ka hadleen, iyadoo inta badan mudanayaashii kulanka soo xaadiray ay ogolaadeen miisaaniyadda wax ka bedelka lagu soo sameeyay.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka shir-guddoominayay ayaa ku dhawaaqay go‘aanka wuxuu wuxuuna yiri: “Xidlhibaannadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu ahayd 177 waxaa miisaaniyadda ogolaatay 176 mudane, cid diidday ma jiro, hal mudanena wuu ka aamusay”.

Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ansixinta Miisaaniyadad ay u cuskadeen qodobka 69-aad ee dastuurka dalka, uxuuna intaas ku daray in Miisaaniyaddu ay tahay mid ansax ah oo ay Xukuumadda Soomaaliya ku howlgeli karto.

Si kasta ha ahaatee ansixinta Miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso sannadka Cusub ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo shalay xildhibaannada baarlamaanku ansixiyeen wasiir ku xigeennada iyo wasiir u dowlayaasha xukuumadda Soomaaliya,

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSiss@hotmail.com

%d bloggers like this: