Advertisements

Taliyaha ciidamada AMISOM oo sheegay inay dileen dagaal-yahano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

AmisomTaliyaha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa shaaciyay in gobolka shabeelada hoose ay ku khaarajiyeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab. Michael Ondoga oo ah Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in rag ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku soo qaadeen kolonyo ciidamadooda ka tirsan oo marayay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooyo iyo Marka.

Taliyaha wuxuu tilmaamay in dagaalyahanadii weerarka ku soo qaaday ay ka dileen ilaa 9-dagaalyahan ayna gacanta uga dhigeen saanad milatari oo ay wateen, isagoo xusay in saanadaasi ay qabsadeen ay ka mid ahaayeen, Bambooyin, Hoobiyaal iyo qalbka ay iskula hadlaan ciidamada iyo qoryo kale.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: