Advertisements

Drs. Maryan Qaasim oo socdaal shaqo ku joogta dalka Turkiga, isla markaana Dhaqaatiir Soomaali ah tababar usoo xertay.

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim oo socdaal shaqo ku joogta dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa tababar usoo xertay dhaqaatiir Soomaaliyeed oo in mudo ah dalkaasi lagu tababarayey.

???????????????????????????????

Dhaqaatiirta ay tababarka usoo xertay Wasiiradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa 17 dhaqaatiir kuwaasi oo loo tababaray dhalmada iyo bad baadinta ilmaha.

Sidoo kale Khudbad ay Wasiiradda u jeedisay dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ay tababarka usoo xertay xafladii xeritaanka tababarkooda ayey Wasiiraddu uga mahad celisay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga sida ay u garab istaageen shacbiga iyo Dowladda Soomaaliyeed waxaana ay rajo ka muujisay in dhaqaatiirta tababarka qaatay ay wax badan ka bedeli doonaan xaaladda dalka gaar ahaanna arrimaha la xiriira dhalmada iyo bad baadinta ubadka.

Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs. Maryan Qaasim ayaa kulammo kula qaadatay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga Wasiir Ku xigeennada Wasaarradaha Waxbarashada, Dhalinyarada iyo Sportiga,Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalkaasi Turkiga waxaanna dhammaanba ay Wasiiraddu kala hadashay sidii ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen ayadoo kulamadaasina ay Wasiiradda ku wehliyeen Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo xoghayaha koobaad ee Safaaradda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac), kulamadaasi oo idilna safaaradda ayaa soo qaban qaabisay.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Hormarinta iyo Adeegga Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaantay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga shaqada culus ee ay Umadda Soomaaliyeed u hayaan gaar ahaan mudadii uu dalku dhibaatada ku jiray.

Si kasta ha ahaate Socdaalka ay dalka Turkiga ku joogto Drs. Maryan Qaasim ayaa ah safarkii ugu horeeyey ee ay dalkaasi ku tagto tan iyo intii loo magacaabay xilka.

SomaliSwiss      Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: