Advertisements

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la wareegay deegaanno hor leh oo ka tirsan Gobolka Baay.

Ciidamada-dowladda.jpg1Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta deegaanno horleh oo ka tirsan gobolka Baay kadib howlgallo shalay ilaa iyo maanta ay ciidammadu halkaasi ka wadeen.

Howlgalladan ayaa waxaa shalay iyo maanta ka fuliyey deegaanno u dhow dhow degmada Bardaalle ee gobolka Baay Ciidammo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidammadii dhowaan tababarka loogu soo xeray xero ku taala duleedka magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isxaaq oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in howlgallada laga gaaray guullo islamakraana lagula wareegay deegaannada Awdiinle,Kurtinle iyo howlaha guud oo dhammaantood hoostaga degmada Bardaale hadana ay Ciidammadu ku howlan yihiin sugidda ammaanka deegaannadii ay la wareegeen.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah howlgallo lagu doonayo in guud ahaanba gobolkaasi Baay looga xoreeyo Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab waxaana goor sii horeysay howlgalladan shaaciyey Gudoomiyaha maamulka gobolka Baay Mudane C/fitaax Ibraahim Geeseey oo isagu sheegay in deegaannadaasi ay xoreyn doonaan ciidammadii dhowaan lagu tababaray duleedka Baydhabo.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: