Advertisements

Wafdigii ka socday labada gole ee dowladda Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose.

Wafdi ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee gobolkaasi. HOOS KA DAAWO VIDEO & SAWIRADA KISMAAYO

Sidoo kale Wafdigan ka socday labada gole ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha waxaana ku wehliyay wasiirka warfaafinta, wasiirka gaashaandhiga, taliyaha ciidamada XDS, wasiir ku xigeenada wasaaradaha warfaafinta gaashaandhiga iyo saraakiil ciidan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO VIDEO MUUQAALKII UGU DAMBEEYAY EE KISMAAYO.

HALKAAN RIIX OO KA DAAWO SAWIRO & BARNAAMISHYO KALE OO KISMAAYO & JUBOOYINKA KU SAABSAN

Sida la sheegay Wafdiga ayaa magaalada Kismaayo kulan kula qaatay madaxda maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ay kala hadleen xaalada Kismaayo waxaana kulanka ay qaateen mas’uuliyiinta uu ahaa mid ay saxaafadda dibad joog ka ahaayeen.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka Mudane C/xakiim Xuseen Guuleed ayaa markii uu soo gaba gaboobay kulankaas ayaa la hadlay saxaafadda wuxuuna sheegay in kulankan uu ahaa mid loogu kurgalaya, looguna arrinsanayey xaalada Kismaayo.

SomaliSwiss     Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: