Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee Dowlada oo maanta magaalada Muqdisho ku soo qabqabtay dad nabad diid ah.

booliiska.jpg1Ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ee Dowlada ayaa maanta Howlgal ka sameeyey magaalada Muqdisho waxayna ku soo qabqabteen dad nabad diidayaal ah oo ka shaqeeyey falalka amni darada ah.

Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda howlgallo loogula dagaallamaya  kooxaha qas-wadayaasha ah ee ku dhuumaleysanaya bulshada dhexdeeda, kuwaas oo caadeystay inay  lacagaha sharci darada ah ka qaataan gaadiidleyda iyo dadka Rayidka ahba, taasoo ay dowladdu horay uj oojisay.

booliiska.jpg2

Sida warku nagu soo gaaray goobaha ay ciidamadu ka howlgaleen ayaa waxaa kamid ah degmooyinka dharkenley,wadajir iyo dayniile waxaana wariyaha radiomuqdisho Maxamed Yuusuf Maxamuud oo la socda Ciidamada howlgalka sameynaya uu kusoo waramayaa in ilaa hadda gacanta lagu soo dhigay ilaa 6 ruux oo hubeysan kuwaasoo iyagoo ku lebisan tuutaha ciidamada dowlada lacago sharci daro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha ee isticmaalaya wadooyinka degmooyinka dharkenleey iyo wadajir.

Sidoo kale xalay ayaa ciidamadu howlgalo ay ka sameeyeen degmooyinka Waaberi, X/weyne iyo Hodan waxa ay ku soo qabqabteen in ka badan 15 qof iyo 6 qori oo AK47 ah iyo bastoolado kuwaasoo xiligan gacanta ugu jira ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya iyadoo saraakiisha amaankuna ay sheegeen inay sii wadayaan howlgalada noocaan ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: