Xildhibaanada Baarlamanka oo cod-buuxa ku hor istaagay meel marinta miisaaniyada sanadka 2013ka

Barlamaanka Cusub.jpg2Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka buuxa ku hor istaagay ansixinta miisaaniyadii dhawaanaha ay ka doodayeen kadib markii maanta loo codeeyey. Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxay maanta Kulankoodii Saddexaad uga doodeen meel marinta miisaaniyada sanadkan soo socda ayaa waxaa qeybtiisa hore shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka.

Sida la sheegay tirada kooramka Xildhibaanada kulanka soo xaadiray ayaa waxay ahaayeen 154 mudane, ajendaha kulanka waxa uu ahaa mid furan maalintii saddexaad kaasi oo looga doodayay Miisaaniyad sannadeedka ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wasiirka Maaliyadda uu goob joog ka ahaa xarunta golaha shacabka.

Doodda dheer o la isku mariwaayey kadib ayaa waxaa wasiirka Maaliyadda mudane Maxamuud Xasan Saleybaan ka codsaday inay si wada jir ah u Ansixiyaan Miisaaniyad sannadeedka ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in cod la galinayo arrinta si loo kala oggaado xildhibaanda ogol iyo inta diiddan ansixinta Miisaaniyadda, waxaana loo qaaday cod gacan taag ah, hase yeeshee natiijada codadka markii la tiriyey ayaa wuxuu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah si loo gaaro go’aan kama dambeys ah, wuxuuna shaaca ka qaaday inay oggolaatay in la ansixiyo Miisaniyadda 54 mudane, 70 mudane kalena ay diiddeen, halka 30 Mudane oo markii hore Kooram ku jiray kulanka ay ka maqnaadeen.

Si kasta ha ahaatee Natiijada kaddib Afhayeenka Baarlamaanka wuxuu sheegay isagoo soo xiganaya Qodob ka mid ah Xeer-hoosaadka Baarlamaanka uu ku dhaqmo in muddo 30 cisho ah ay wasaaradda Maaliyaddu dib ugu u keento Miisaaniyad sanndeedkii oo la soo saxay, wuxuuna kulankii ku dhammaada guul darro uu la kulmay Wasiirka Maaliyadda.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: