Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga oo Shaaca ka qaaday in Shatti la’aan aanay ganacsatadu badeecado lasoo degi karin, lana dhoofin karin.

wasiirka Ganacsiga.jpg1Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay qaataan Ruqsada Ganacsiga oo qiima dhimis lagu sameeyay.

Ku dhawaaqidda arrinta ayaa yimid kadib markii ay  kulan isugu yimadeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, Agaasime waaxeedyada Wasaaradaasi iyo Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuurta waxayna kulankaas uga doodeen qaabkii loo dardar galin lahaa qaadashada Shatiga Ganacsiga.

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Xasan oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maanta wixii ka dambeeyo ay ganacsatada qaadan karaan shatiga wasaaradda.

Agaasimaha guud Mudane C/llaahi Xayir Ducaale ee Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa tilmaamay wasaaradda oo ka jawaabeyso cabashada ugu timid ganacsatada Soomaaliyeed taas oo ah in ay qiimo dhimis ku sameeyaan qarashka lagu sameeyo Shatiga oo laga dhigay 300 oo dolar halka markii hore ay aheyd 2.800 oo dolar.

Ha yeeshee go’aanka ka soo baxay wasaaradda wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ayaa ka dambeeyay kadib markii ay dhawaan Golaha Wasiirrada ay go’aamiyeen in la dhimo qiimaha lagu qaadanayo Ruqsada ganacsiga maadaama dad badan oo ganacsato ah ay awood u laheyn bixinta qarashka

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: