Taliyaha ciidamada XDS oo dhallinyarada ay qaldeen Al-Shabaab uga baaqay inay ka soo laabtaan fikiradda qaladka ah oo loogu sheekeeyey

Taliyaha_XooggaSareeyo Gaas C/qaadir Sh. Cali Diini oo ah Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalilyarada Soomaaliyeed ee ay qaldeen dhagar qabayaasha Xarakada Al-Shabaab in ay ka soo laabtaan fikiradaha qaldan ee loogu sheekeeyey, wuxuuna xusay in Dowladdu ay cafis u fidinayo haddii ay isa soo dhiibaan.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dhalinyarada wali ka mid ah kooxdi bur burtay ee Al-shabab in ay soo galaan gacanta dowlada si dib loogu soo celiyo Xaquuqdi ay dhalinyaradaasi lahaayeen, qoysaskoodana ay ugala noolaadaan si nabad iyo xurnimo ah.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu tilmaamay in wali ay wiilashaasi heystaan waqti ay uga fikirikaan horumarka noloshooda iyo wadankooda, dowladdana ay xilli walba soo dhaweyneyso qofka fahma in uu dalkiisa iyo dowladiisa uu u shaqeeyo, wuxuuna kula taliyay dhalinyarada wali fikirkooda qaldan yahay ee Al-shabaab ka mid ah in ay ka faa’iideystaan waqtiga ay heystaan,

Dhanka kale hadalka uu taliyaha ciidamada xoogga dalka ka jeediyay booqasho ay shalay ku tageen wafdigi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha taliyuhuna uu ka mid ahaa deegaanka Saqiiro oo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: