Taliyaha ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika oo sheegay in ay diyaariyeen qorsheyaal lagula dagaalamayo kooxda Al-Shabaab.

Brig. Gen. Ham participates in the Oct. 6, 2005, Pentagon pressWar ka soo baxay xarunta wasaarada Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanka ay sanadka soo socda ee 2013-da ay tababarro siineyso ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl galka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale Mareykanka wuxuu sheegay in 200-askari oo ka mid ah ciidamada Kenya ay helidoonaan tababar Milateri oo heerkoodu sareeyo.

Balse sida la sheegay Tababarka la siinayo ciidamada Kenya ayaa noqon doona mid ka saacidi doona la dagaalanka Al-Shabaab, sida lagu yiri war ka soo baxay Pentagon-ka Mareykanka.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika oo ah oo loo yaqaano AFRICOM Jen Carter Ham ayaa sheegay in ay diyaariyeen qorshayaal lagula dagaalamayo Shabaab, islamarkaana ay Ciidamada AMISOM ka taageerayaan howlgalada ay ka wadaan Soomaaliya.

Mr. Carter Ham ayaa sheegay in qorshahan loogu talagalay ilaa 35-dal ay ka mid yihiin Libiya, Mali iyo dalal kale tababaro ku aadan la dagaalanka Argagixisada la siindoono Ciidamada, waxaana uu tilmaamay in kenya ay noqotay dalkii u horeeyay ee ay siiyaan tababarkan.

Ciidamo gaaraya Kumanaan askari oo ka socda Kenya ayaa dhowaan ka mid noqday howlgalka Nabad ilaalinta AMISOM, kadib markii sanadkii hore ay ka soo talaabeen xuduuda Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Shabaab.

Si kasta ha Dowladda Mareykanka ayaa taageerada ugu badan siiya Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo haatan ku baahaya gobolo cusub oo ay katalinjireen Al-Shabaab iyo Alqaacidda ku dhuumaaleysanayso gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Pentagon

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: