Wararka naga soo gaaraya deegaanada bariga ee xeebaha Badweynta Hindiya ayaa sheegaya in xalay roobab dabeylo wata ay ka curteen, xili horey ay u soo bexeen digniinaha Duufaano ku soo fool leh xeebaha Gobolada Bari, Nugaal iyo Mudag, balse waa Alle mahadiis Saadaashii dabeesha dhuufaanta oo noqon wayday sidii loo maleynayey.
Mudane Saciid Maxamed oo ah guddoomiyaha degmada Bandar Beyla ayaa Warbaahinta u  sheegay in gelinkii dambe ee shalay uu hal ruux ku Dhaawacmay xeebaha, kadib markii dooni ku jirtay Badda ay dabeylo ku Burburiyeen.
Sidoo kale waxaa  laga soo sheegayaa degmooyinka Eyl iyo Garacad oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug in roobabka ay isa soo xirxireen oo jawiga hawada ay dadku ka dareemayaan daruuro mugdi ah oo cirka isku shareeray.
Dhanka kale deegaanka Garacad ayaa waxaa laga soo sheegay in mowjado hirar ah ay Baddu bilawday , iyadoo ka soo durugtey halkii ay joogtay shalay galab taas oo cabsi gelisay dadka ku nool degmada Garacad oo ah kalluumeysato.
Si kasta ha ahaatee deegaannada ku teedsan xeebaha gobolladaas ayaa dhamaantood laga dareemayaa huwaan muqdi ah, dabeeyl aad u qabow, iyo mowjado waaweyn oo badda ka muuqda, in kastoo ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax dhibaato ah.
SomaliSwiss      Bandar Beyla
Filed under: Boosaaso |
You must be logged in to post a comment.