Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho uu ku tagay dalalka Kenya iyo Uganda. DAAWO KHUDBADII MADAXWEYNAHA (FULL)
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa Socdaalkiisa ku wehliyay R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arimaha dibada, wasiirka gaashdhiga iyo xubno kale waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cusmaan Kuwaasoo ka koobnaa 2da Gole ee dowladda.
DAAWO KHUDBADDII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA SOOMAALIDA NAIROBI (Full)
[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4v4JgA width=”480″ height=”340″]Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Saxaafadda shir jaraa’id u qabtay qolka Nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in safaradii ay ku tageen dalalka Kenya iyo Uganda ay ku soo dhamaadeen guul iyo is afgarad buuxa, wuxuuna intaasi ku daray in madaxda Dowladda Kenya uu kala hadlay xoojinta xiriirka 2da dal iyo sidii loo Horumarinlahaa cilaaqaadkii ka dhaxeeyay labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa xusay in dhamaan kulamadii ay la yeesheen madaxda dowladadaha Kenya iyo Uganda ay isku afgarteen sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed maadaama ay labaduba dalkeena usoo direen ciidamo Xoog leh oo qeyb ka qaadanaya ka ciribtirka Argagaxisada ee dalkeena.
SomaliSwiss   Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.