Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Soomaalida ku nool Uganda inay Dhaqaale ku taageeraan Dowladda.

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud meets with members of the IGAD in MogadishuMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda, wuxuuna ka dalbaday inay dhaqaale ku taageeraan dowladda si ay dalka uga saarto xilliga adag ee uu ku jiro. HOOS KA DAAWO KHUDBADDIISA OO DHAN.

Balse Mudane Xasan Sheekh wuxuu Soomaalidu u sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ay amniga dib ugu soo celinayso sidoo kalena ay kula dagaalamayso musuqmaasuqa, wuxuuna ku boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Uganda ku nool inay gacan ka geysataan howlaha ay dowladdu dib ugu soo celinayso ammaanka iyo dib u dhiska dalka.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADDII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA SOOMAALIDA (Full)

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4v4JgA width=”480″ height=”340″]

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Dhaqaalihii aad horay noogu soo dirteen waa nasoo gaareen, midka aad soo diri doontaanna waxaan rajeynaynaa inuu nasoo gaaro. Waxaa jira qorshe aan ku doonayno inaan ammaanka ku adkeyno, idinka ayaana la idinka doonayaa inaad gacan ka geysataan”.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladiisu ay si adag ula dagaalami doonto musuqmaasuqa oo uu sheegay inuu ka mid yahay ceebaha ay Soomaalida leedahay, wuxuuna xusay in taasi ay dhiirri-gelin doonto dadka taageerada siinaya Soomaaliya.

Mar labaad Madaxweyne Xasan wuxuu Yiri: “Dalku wuxuu u baahan yahay in nabadda la sugo si dadka doonaya inay caawiyaan Soomaalida ay fursad u helaan, sidoo kale waxaan la dagaalamaynaa musuqa oo ah dhibaato weyn oo Soomaaliya haysata”.

Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu ku boorriyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda inay ku biiraan ciidamada dowladda si ay u noqdaan kuwo ka qaybqaata taariikhda la doonayo in dalka lagu samata-bixiyo, ayna ka fogaadaan in ay taageeraan kooxo iyo beelo.

Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu shalay kula kulmay Kampala dhiggiisa waxayna kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii howgallada AMISOM ay u noqon lahaayueen kuwo la dar-dar-geliyo.

SomaliSwiss       Kampala

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: