Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo habeenadaan Kormeer ku marayey degmooyinka Gobolka Banaadir.

KormeerHay’adaha Amniga  ee dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya ayaa habeenadanba waxay Kormeer ku marayeen degmooyinka G/Banaadir, waxaana Wasiirku la socday taliyaha ciidanka booliiska, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye iyo taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Khaliif Axmed Ereg.

Sida ay sheegeen Mas’uuliyiintan in ku kormeerkooda uu qayb ka ahaa qorshe lagu adkeynayo ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya, waxayna xuseen in habeen iyo maalin ay socon doonaan qorshayaasha lagu sugayo ammaanka.

Taliyaha ciidanka booliiska Jen. Maye oo Kormeer ka hadlayey wuxuu yiri:  “Waxaan joognaa deegaanka Tiida oo ka tirsan degmada Dayniile, waxaana halkaan kula kulannay ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda oo howshooda ku jira,” wuxuuna intaas raaciyey in howshan ay tahay mid amniga Muqdisho lagu adkeynayo.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir, Col. Ereg ayaa isaguna xusay in qorshahan uu yahay mid looga shaqeynayo sidii ammaanka caasimadda looga dhigi lahaa mid ka hagaagsan sidii hore, isagoo sheegay in ciidamada ammaanka dowladdu ay diyaar u yihiin inay adkeeyaan ammaanka habeen iyo maalin.

Kormeerkan ayaa noqonaya kii labaad oo ay saraakiishan ku sameeyaan Muqdisho iyadoo xalay tagay saldhigyo iyo isgoysyo ku yaalla degmooyinka C/casiis, Dayniile iyo Yaaqshiid, halkaasoo ay kula kulmeen ciidammo sugaya ammaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay isgoyska ex-koontarool Balcad wuxuu yiri: “Howshan waa mid socon doonta habeen iyo maalin, waana mid ay ciidamadu ku sugayaan ammaanka caasimadda, iyadoo roondooyinku ay socon doonaan habeen iyo maalin”.

Feejignaanta iyo Kormeerrada ay sameynayaan saraakiisha dowladda ayaa wuxuu kusoo beegmayaa kaddib markii dhowr habeen ka hore ay xoogagga Al-shabaab ay xilli saq dhexe ah madaafiic ku soo weerareen xarunta Madaxtooyada, kuwaasoo geystay khasaare nafeed oo kala duwan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@homail.com

%d bloggers like this: