Madaxweyne xasan Sheikh oo si diiran loogu soo dhaweeyey Kampala, islamarkaasna la kulmay dhigiisa dalka Uganda.

somalia-iyo-uganda-Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Uganda Yuweri Musafani, iyadoo ay kalankooda uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ay qaateen labada mas’uul ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadaha Soomaaliya iyo Uganda waxaana kulanka Madaxweyneyaasha looga hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Kulanka oo ay saxaafadda dibad ka ahaayeen ayaa waxaa la sheegayaa in ay goob joog ka ahaayeen wasiiradda arrimaha dibada iyo gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya waxaana wararka ay sheegayaan uu ku soo dhamaaday is afgarada iyo sidii ay dalalka Soomaaliya iyo Uganda ay xooga u saari lahaayeen xoojinta xiriirka labada dowladood.

Dhanka kale Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu galabta magaalada Kambala kulan kula qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi gaar ahaan ardayda wax ka barata wadanka Uganda si uu warbixin uga siiyo xaalada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray wadanka Uganda waxaana si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka madax ka tirsan dowladda Uganda

SomaliSwiss       Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: