Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya iyo wafdigiisa oo barqadnimadii saaka ka degay Kampala.

Madayweyn Xasan dib uga soo laabtayMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan socdaal Shaqo ku joogay dalka Kenya ayaa barqadnimadii saaka ka degay Kampala ee dalka Ugandha, iyagoo soo gebagebeeyey booqashadii Sadex maalmood ay ku joogeen dalka Kenya.

Madaxweynaha .waxaa  Safarkiisa  ku wehliya xubno wasiirro ah oo ay ka mid yihiin: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka wafaafinta iyo isgaarsiinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo xubno kale.

Sidoo kale waxaa la sheega in y Madaxweynaha ay u qorsehysan tahay inuu dhiggiisa dalka Uganda kala hadlo sidii loo xoojin lahaa howlgallada ay AMISOM kawaddo gudaha dalka Soomaaliya, maadaama ay ciidamada Uganda hoggaanka u hayaan howgalka hoos-taga Midowga Afrika ee Soomaaliya ka socda.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Uganda ayaa waxay dhowr bilood ka hor ku goodisay inay ciidamadeeda kala baxayso dalal ay ku jirto Soomaaliya kaddib markii ay ka caroodeen warbixin ay soo saareen guddi ka tirsan Qaramada Midoobay taasoo ku eedeysay xukuumadda Uganda inay taageeraan jabahadda M23 ee ka dagaalanta bariga dalka DR Congo.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta mudane C/llaahi Ciilmooge Oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegay in ujeedada Booqashadii madaxweynaha ee Kenya lagu guuleeystay Boqolkiiba Boqol.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muddadii uu joogay Kenya waxaa uu la kulmay Madaxweynaha dalkaasi, qaar ka mid ah Wadamada Safiirada caalamka u jooga Nairobi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku Nool dalkaasi, waana safarkii ugu horeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh  uu ku tago Kenya tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha J.F.Soomaaliya.

SomaliSwiss       Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: