Advertisements

Wasiirka adeega Bulshada oo maanta dhagax dhigtay Dhismaha dugsiga 21ka Octoober ee Degmada Waaberi

wasiirka Arrimaha BulshadaWasiirka adeega iyo horumarinta bulshada ayaa waxay maanta kormeer ku tagtay xarunta dugsiga farsamada Gacanta Bolo Tigniko oo ay xiligan ka socoto dib udhis ay ka wado hay,ad waxbarasho oo Turkiya laga leeyahay iyo Xarunta dugsiga sare ee Banaadir oo isna dhismihiisu marayo heer geba gabo ah iyadoo dhagax dhigtay Dugsiga 21ka Octoober oo dib loo dhisayo.

Wasiiradda waxay markii ay tagtay dugsiga Booli Tikniko Sheegtay in loo diyaarinayo sidii wax loo bari lahaa dhalaanka Soomaaliyeed ee mudada aan helin Waxbarashada waxayna sheegtay inay ka faa‘iideysanayan arday kala duwan oo Wiilal iyo gabdhaba leh.

Wasiiradda waxay soo indha indheysay xarunta dugsiga sare ee Banaadir,waxayna tilmaamtay in arday Ka badan 700 wax lagu bari doono uuna noqon doono dugsi sare oo lacag la,aan ah kaasoo ay gacan ka Geysanyeyso dowladda Turkiga oo Soomaliya gacan weyn kusiisay sidii waxbarsho dibedda iyo mid dalka Ahba loo siin lahaa ardayda soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay Wasiiraddu ay sheegtay in 2 bilood kadib la furi doonaa gudaha dugsiga sare ee Banaadir iyo isbitaal lacag la‘aan ah oo wax Loogu qabanyo dadka Soomaliyeed gaar ahaan haweenka iyo caruurta taasoo qeyb ka ah waxqabadka Xukuumadda ee boqolka maalmood ee soo socota ayey tiri marwo Maryan Qaasim oo maanta lahadashay warbaahinta Qaranka.

Dhanka kalr wasiirka adeega bulshada ayaa ugu baaqday dadka Soomaliyeed ee kunool qurbaha inay Qeyb ka qaataan sidii ay wadankooda dib ugu soo celin lahaayeen heerkii uu marayay 20 sano ka hor, waxayna tusaale usoo qaadatay dadka ajnabiga ah ee nacaawinaya ha ahaato dhanka mileteriga Caafimaadka, iyo waxbarshadaba iyadoo u muujisay in Soomaalida looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: