Advertisements

Hay’adaha Saadaasha Hawada oo ka digay in Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay mowjado Duufaan ah.

Maps SomaliaHay’adda Saadaalinta hawada Mareykanka ayaa ka digtay in Soomaaliya ay ku soo wajahan tahay mowjado dabeel dhuufaan ah, marka la gaaro 25 bisha December, sidaas waxaa maanta lagu soo qoray qaar kamid ah warbaahinta Mareykanka.

Warbixin ay soo diyaariyeen ciidamada badda iyo kuwa cirka ee waddanka Maraykanka ee ku sugan gobolka ayaa waxay ku sheegeen in dhuufaan heerkeedu hooseeyo la filayo inay ku dhufato wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay taasoo inta badan saameyn doonta meela dhul hoosaadka ah.

Sidoo kale Ciidamada Maraykanku waxay saadaaliyeen in dhuufaantan aysan geysan doonin khasaaro badan, balse xawliga dhuufaantu ay saacadiiba goyn doonto masaafo dhan 74 km.

Si kasta ha ahaatee warkaan laguma sheegin meelaha ay dhuufaantan mari doonto iyo halka ay ku dhamaan doonto intaba.

SomaliSwiss      Wakaalada W. USA

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: