Dad laga dhacay gawaari ay lahaayeen oo maanta ay Hay’adda nabad sugida dib ugu wareejisay.

NabadsugiddaHay’adda nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta ku wareejisay Gawaari horay looga dhacay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Muqdisho. Mudane Khalif Axmed Ereg oo ah Taliyaha ciidamada nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay gawaari horay looga dhacay dad Shacab ah kuwaas oo lagu haystay xaafaddo ka mid ah magaalada Muqdisho.

nabad sugidda Ereg.jpg1

Sidoo kale Mudane Khaliif  oo la hadlayey warfidiyeenada ayaa sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada nabad sugidda ay u suurta gashay in ay soo furtaan Gawaari horay looga dhacay muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaas oo si sharcidaro ah loogu haystay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Taliyuhu wuxuu xusay in gawaarida lagu wareejiyay dadkii lahaa, iyadoo ay ka mahad celiyeen muwaadiniintii dib loogu soo celiyay hantidooda waxa ayna uga mahadceliyeen hay’adda nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed dadaalkii ay u gashay in ay dib ugu soo celiyaan hantidooda.

Hay’adda nabad sugidda Qaranka ayaa horay ugu guuleysatay in ay dib u soo celiso hanti ay lahaayeen dad shacab ah kuwaas oo siyaaba kala duwan looga dhacay gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalka ay hay’adda nabad sugidu ku dooneyso Badbaadinta dadka iyo dalka islamarkaana loo heli lahaa xogta cadowga.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: