Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Nairobi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg3Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa galabnimadii maanta kula kulmay magaalada Nairobi Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas. DAAWO KHUDBADDII MADAXWEYNAHA EE NAIROBI (Full)

Ujeedada Kulankan ayaa ahaa mid ay ku kala war qaadanayeen Madaxweynaha iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi iyo goboladda ku ku hareersan, waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda, safiirka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADDII MADAXWEYNAHA EE JAALIYADDA SOOMAALIDA NAIROBI (Full)

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nog4v4JgA width=”480″ height=”340″]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulankaas ka hadlay ka ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in la abuurto hoggaan Qaranka kaas oo ay dadka talada u dhiibtay ay ka qaadan karaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in dalka Kenya ay tahay dalkii ay dadka Soomaalida ah ay u soo qaxeen xiligii ay dhibaatada ka dhacday dalka Soomaaliya, ayna madaxda Soomaaliya ay kalsooni ku qabaan dalka Kenya sida ay ugu nool yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in madaxda dalka Kenya ay kala hadleen sidii loo abuuri lahaa hab ku saleysan wada shaqeyn ka dhaxeysa labada dowladoood taas oona loo saaridoono gudi heer wasiirro ah oo ka shaqeeya arintaasi.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha Qaxootiga Soomaalida ah ee ku dhaqan wadanka Kenya ayaa wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta dalka Kenya ay kala hadleen sidii dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaalida ah dalkooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan nolosha ay haatan ugu nool yihiin xeryaha ku yaala wadanka Kenya.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Dowladda Soomaaliya waxa ay dooneysaa in ay tirtirto xeryaha Qaxootiga ugu weyn aduunka oo ay ku jiraan Qaxooti Soomaaliyeed, dadka Soomaalida ah maahan dad u qalma in ay noqdaan Qaxooti maahan in lagu eedeeyo in ay yihiin Al-qaaciddda mana ahan in ay noqdaan Burcad badeed”.

Dhanka kale Madaxweynaha wuxuu carabka ku dhuftay in madaxda dowladda Kenya ay ku aamaaneen shacabka Soomaaliyeed in ay yihiin dad shaqeysata oo soo saarta nolol maalmeedkooda ayna jeceshahay dowladda Kenya shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in qaraxyada ka dhaca dalka Kenya aanan dusha laga saarikarin dadka Soomaaliyeed, maadaama al-qaacidda aysan aheyn Soomaali kaliyaha, isaga oona kula dardaarmay shacabka in ay ciidamada amaanka gacan ka siiyaan sugida amniga.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynuhu wuxuu Jaaliyadda u sheegay in madaxda dowladda Kenya uu kala hadlay in la sugo amaanka shacabka iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dhaxtaala suuqyada wadanka Kenya ayna hantidaas tahay hanti ay leedaha dowladda Soomaaliya.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: