Advertisements

Hay’adda xuquuqda aadanaha (Amnesty International) oo sharci darro ku tilmaantay go’aankii dowladda Kenya ay ku gaartay in Qoxootiga ay ku laabtaan Xeryaha.

Somali_refugees

Hay’adda caalamiga ah xuquuqda aadanaha (Amnesty International) ayaa ku tilmaantay go’aankii ay dowladda Kenya ku gaartay in qoxootiga ay ku laabtaan xeryaha mid ka hor-imaanaya sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha. Somali & English

Hay’adda Amnesty ayaa sheegtay in dalka Kenya ay ku nool yihiin 630,000 oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ka yimid dalka in muddo ahba ay colaaduhu jireen sida Soomaaliya, waxayna hay’addu sheegtay in xeryaha qoxootiga ay ku jiraan ammaan-darro baahsan, taasoo ay qoxootigu ku laaban karin.

Mr. Kathryn Achilles oo ah khabiir ka tirsan xafiiska Afrika ee Amnesty oo arrintaas ka hadashay waxay tiri: “Dowladda Kenya waa inaysan ugu marmarsiyoon arrimo ammaanka ku saabsan dib u celinta qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah oo iyaguna dhibaateysan”.

Sida la wada ogsoon yahay Dowladda Kenya ayaa toddobaadkii hore go’aan ku gaartay in qoxootiga iyo dadka magangalyo doonka ah ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya ay ku laabtaan xeryaha qoxootiga, iyadoo Amnesty ay go’aankan ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka horimaanaya xorriyadda ay dadku u leeyihiin inay meelo nabad ah aadaan.

Sidoo kale Mr. Achille oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri : “Go’aankan waa mid khatar ku ah xoriyadda dhaqdhaqaaqa dadka, waana mid si cad uga horimaanaya xuquuqda aadanaha, waayo xeryaha qoxootiga waa kuwo aanu ka jirin ammaan la isku halleyn karo”.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in go’aanka ay dib ugu celinayso qoxootiga uu yahay mid ay ammaanka dalkeeda ku sugayso, kaddib qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo laga fuliyay magaalooyinka waaweyn oo ay ka mid tahay Nairobi.

Hay’adda qoxootiga adduunka ee UNCHR ayaa iyaduna ku timaantay go’aankan mid ka horimaanaya sharciyada xaquuqda qoxootiga caalamka iyo dadka magangalyo doonka ah. Iyadoo hay’addu ay sheegtay inay Kenya kala hadlayso go’aankeeda.

Mr. Badu Katelo Dhawaan oo ah sii hayaha xilka hay’adda arrimaha qoxootiga ee dalka Kenya, ayaa sheegay in la xiray dhammaan goobihii diiwaan-gelinta qoxootiga cusub ee soo galaya dalka Kenya, iyadoo UNCHR ay dhaliil u soo jeeisay go’aanka lagu xiray xafiisyada diiwaan-gelinta qoxootiga cusub.

SomaiSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Amnesty International says Kenya sending refugees to camps unlawful

Somali_refugees.jpg1

NAIROBI, Dec 21 – Kenya’s order for all urban asylum seekers and refugees to report to two rural camps is in breach of international law, human rights group Amnesty International said on Friday.

Kenya houses over 630,000 refugees, with more than half a million of those from war-torn Somalia, which shares a porous border with east Africa’s biggest economy.

But a series of bombings, shootings and hand-grenade attacks blamed on Somali militants prompted Kenya on Tuesday to stop registering asylum seekers and refugees in urban areas.

“The government cannot simply scapegoat refugees and asylum-seekers en masse for security incidents,” said Kathryn Achilles, Amnesty International’s East Africa expert.

The government’s decision to place refugees and asylum seekers in camps is discriminatory and an unlawful restriction on freedom of movement, Amnesty said.

“This restriction on freedom of movement is likely to lead to other serious human rights abuses in already overcrowded, insecure refugee camps,” Achilles added.

Under the new directive, Somali refugees are required to be housed at Dadaab, which already hosts four times the population it was built for, while all other refugees must reside at Kakuma, a camp located near Kenya’s frontier with South Sudan.

A Kenyan government official said the directive would affect more than 100,000 refugees of various nationalities living in urban areas.

Source: Reuters

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: