Advertisements

Guri ay deganaayeen Qoys Soomaali ah oo ku yaalala magaalada Zurich oo uu shalay Galab dab qabsaday.

Guri gubtay.jpg1Waxaa Shalay Saacadda marka ay ahayd 16:00-pm ee galabnimo mar qura uu qab qabsaday guri ay degganayeen Qoys Soomali ah oo deganaa xaafadda Seebach magaalada Zürich ee dalka Switzerland.

Dabkaas ayaa la sheegay in khasaare xooggan uu u geystay qoys Soomaali ah ee halkaasi ku noolaa, sidaas waxaa Shabakada SomaliSwiss u xaqiiyey dad Soomaali ah oo goobjoogayaal ka ahaa markii uu gubanayey gurigaasi.

Guri gubtay.jpg1

Warku waxaa uu intaasi ku darayaa in guriga dabka qabsaday uu waxyeelo u geystay labo gabar oo Soomali ah oo ay da’doodu kala aheyd 3 jir iyo 5 jir, balse dhaawacooda loola cararay Isbitaallada waaweyn ee magaalada Zurich, hase yeeshee waxaa lasoo sheegayaa in Gabdhaha yar yar uu soo gaaray dhaawac Culus.

Taliska Booliska magaalada Zurich ayaa sheegay in uu baaris ku hayo dhacdada keentay in uu dab ka kaco Gurigaasi iyo Sababta keentay intuba.

SomaliSwiss   Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: