Advertisements

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku kala Saxiixday heshiis iskaashi oo labageesood ah.

HeshiisMadaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kala Saxiixday heshiis laba-geesood ah oo ku saabsan dib u unkida xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi laga yeesho dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha.

 

Sidoo kale Labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen sidii ay labada Dowladood isaga kaashan lahaayeen in dalkooda dib loogu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool.

Labada Madaxweyne waxay gelinkii dambe ee shalay kulan saacado qaatay ku yeesheen xarunta Madaxtooyada Kenya, waxaana laga soo saaray 11 qodob oo ay ku heshiiyeeen, iyadoo labada Madaxweyne ay saxaafadda u soo bandhigeen heshiiskooda.

Madaxweynaha Dalka Kenya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri : ‘’Waxaan ku faraxsanahay booqashada Madaxweyne Sheekh Maxamuud waana booqashadii ugu horeysay ee Kenya, waxaana ku heshiinay Qodobo muhiim u ah labada dal, waxaana la joogaa xilligi Soomaaliya ay horumar sameyn laheyd’’.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo isna halkaasi ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay, wuxuuna intaas uu raaciye in kulan uu la qaatay Madaxweynaha Kenya uu ahaa mid muhim ahaa, isla markaana ay ku heshiiyeen qodobo wax tar u leh labada dowladood.

Sida Warsaxaafadeedka lagu sheegay in labada Madaxweyne ku heshiiyeen 11 Qodob, waxaa ka mid ahaa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, in la unko xiriir qoto dheer oo ay yeeshaan labada Madaxweyne iyo qodobo kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maanta uu kulan la qaato madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi dalka Kenya.

SomaiSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: