Baarlamanka Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta uu kulan ku yeesho xaruntiisa golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Fadhiga Baarlamanka ee maanta ayaa waxaa iclaamiyay guddoonka Baarlamanka iyadoo la filayo in kulanka Baarlamanka maanta lagu falanqeeyo arrimo ay ka mid yihiin miisaaniyad sanadeedka dowladda ee 2013-ka.
Sida la socotaan maalmo ka hor ayaa Xildhibaanada loo qeybiyay Nuqullo ay ku qeexan yihiin miisaaniyad sanadeedka 2013 si ay uga soo baaraandegaan.
 Sideoo kale wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta ayaa hortagay Baarlamanka fadhigii kan ka horreeyey, una qeybiyay buugaagta ay ku qoran miisaaniyad sanadeedka dowladda ee 2013-ka.
SomaiSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.