Advertisements

Golaha xukuumadda oo xalay ka dooday dhismaha guddiyo madaxbanaan oo dalku yeelanayo.

Wasiirada cusub.jpg2Shirkii Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo Khamiislaha ahaa ayaa xalay fiidkii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kadib munaasabado kale awgeed u qabsoomi waayey shalay, waxaana  kaga hadlay arrimo faro badan oo ay ka mid yihiin dhismaha gudiyo madax banan oo uu yeesho dalku.

Mudane C/llaahi Ciilmooge Xersi oo ah Wasiirka wasarrada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Somaaliya ayaa kulanka markii uu dhammaaday kadib uga waramay warbaahinta waxyaabihii kulankaasi looga dooday iyo go’aanadii ka soo baxay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarisiinta ayaa sheegay in kulankii golaha wasiirada ee xalay looga dooday sameynta guddiyo madax banaan oo dalku yeesho kuwaas oo gaaraya ilaa 20, wuxuuna intaa ku daray in howsha la kala qeybsaday isla markaana uu kulanku ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad.

Dhanka kale Wasiirku wuxuu xusay in R/wasaaruhu uu magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada iyo qorsheynta oo loo magacaabay Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim, hase ahaatee Mudane C/llaahi Ciilmooge ma uusan faafaahin, sababta keentay in mar labaad la magacaabo.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: