Advertisements

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka degay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

PMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, isagoo halkaas kula kulmay dhiggiisa dalkaas Kibaki.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyata Airport kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya oo uu hogaaminayey Madaxweynaha dalkaasi Mwai Kibaki ayadoo sidoo kalena xubnaha hogaaminayey ay ka mid ahaayeen wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga Dalkaasi.

Hase ahaatee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Joma Kenyata kadib salaaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidammada Dalka Kenya ayadoo Astaanta Calanka ee Dalkeennana garoonka loogu garaacay.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya oo ay kulammo wada qaadan doonaan saacadaha soo socda ayadoo wafdiga Madaxweynahana uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: