Advertisements

Hey’adda UNHCR oo Dowladda Kenya uga digtay in dusha laga saaro qaxootiga Soomaalida dembi aysan laheyn.

UNHCR.jpg1Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ayaa ku boorrisay, islamarkaan si caddaan ah uga sheegtay in dowladda Kenya ay ka laabato go’aankeedii ahaa in dadka ajnabiga ah ee ku dhaqan dalkeeda ay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Sidoo kale Hey’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) ayaa cambaareeysay qaraxyadii ka dhacay magaalada Nairobi, iyadoo muujisay sida ay u garab taagantahay dadkii ay waxyeelada ka soo gaareen, iyo dowlada Kenya.

Dhanka kale hey’addan ayaa sheegtay inay ka warqabto waxrbixintii ay soo saartay dowlada Kenya, iyadoo ka digtay in dusha laga saaray dadka Qaxiitiga ah dambiyo aysan gelin.

Hey’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR)  ayaa ku tilmaantay wax aan la qaadan karin go’aankii ay dowlada Kenya ku mamnuucday diiwaangelinta qaxooyiga iyo kuwa megengelyo doonka ah, waxeyna hey’addu xustay in ay sii wadi doonto howlihii ay qaxootiga ugu qaban jirtay xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab.

Si kasta ha ahaatee Hey’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR)  ayaa sheegtay in ay ku dadaali doonto sidii ay dowlada Kenya uga dhaadhicin laheyd in ay sii socdaan diiwaangelinta dadka Qaxootiga ah iyo kuwa magangelyo doonka ah oo ammaandarri uga soo cararay dalkooda.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: