Advertisements

Ciidamada X/D Soomaaliya oo howlgallo ammaan sugida ka sameeyay degmada Wanlaweyn iyo deegaanada hoos taga.

Daafeed War naga soo gaaray degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda ay howlgallo lagu sugayo Ammaanka ka sameeyay degmada Wanlaweyn iyo deegaanada hoos tago ee gobalka Shabeelada Hoose, howlgalkaas oo dad lagu soo qabqabtay dad aad u farabadan ee lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale todobaadyadii la soo soo dhaafay ay si dar dar leh u socdeen howlgalada ay ciidamadu ku xaqiijinayaan ammaanka deegaanada ay dowladu maamusho ayaa hadana maamulka degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose waxa uu ka warbixiyay howlgallo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoosyimaada degmadaasi oo dad lagu soo qabqabtay.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Wanloweyn oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay ee shalay ilaa xalay laga fuliyay degmada Wanlaweyn iyo nawaaxigeeda lagu soo qabqabtay ilaa 18 qofood kuwaas oo intooda badan lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin argagixisada Shabaab, halka kuwa kalena ay ku kaceen falal liddi ku ah amniga.

Balse Taliyuhu wuxuu intaa raaciyay in dadkaasi la qabtay la horgeyndoono sharciga qofkii dambi lagu waayana la sii deyn doono, wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in amaanka degmadaasi uu soo hagaagayay wixii ka dambeeyay markii laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ay la wareegeen ciidamada qalabka sida.

SomaliSwiss     Wanlaweyn

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: