Madaxweynaha oo maanta dalacsiiyey saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

DallacsiinMunaasabad balaaran oo lagu dallacsiinayay 9-Sarkaal oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka islamarkaana lagu soo xirayay tababar ay kusoo qaateen dalka Uganda ayaa gelinkii dambe ee maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada villa Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Munaasabadaas oo ay ka qeybgalay Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, Taliyaha ciidamada XDS S/Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Waxaa goobta laga aqriyay Xeerkii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dallacsiiyay saraakiishaasi ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiirka difaac ay si wadajir ah darajada xidigta ugu xireen saraakiisha la dallacsiiyay.

Sidoo kale Taliyaha ciidanka XDS C/qaadir Sheekh Cali Diini oo ka hadlay xafladda ayaa ka hadlay saraakiisha la dallacsiiyay waxa uuna sheegay in ay tababar kusoo qaateen dalka Uganda ayna haatan ku dhameysteen magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo munaasabaddaas ka hadlay Wasiirka gaashaandhigga C/xakiim Maxamuud oo ugu hambalyeeyay saraakiisha darajada la dalacsiiyay isagoo kula taliyay in ay door muhiim ah ka qaataan dagaallada lagu ciribtirayo haradiga kooxda Xarakada Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadii ugu dambeeysay ka jeediyay munaasabadda waxa uuna madaxweynuhu kula taliyay saraakiisha in ay ka faa’iideystaan Fursadaha ay haystaan maadaama lagu jiro xaalad dagaal oo ka dhan ah cadowga kusoo duulay wadanka.

Si kasta ha ahaatee waa markii ugu horeysay ee uu madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya darajada xidigta ku dallacsiyo saraakiil ka tirsan xoogga dalka oo tababar kusoo qaatay dalka dibaddiisa tan iyo markii uu xilka la wareegay iyadoo haatan ay diyaar yihiin dhallinyaro farabadan oo soo qaatay tabaabr xirfadeysan kuwaas oo heeggan ugu jira sidii dalka oo dhan looga sifeyn lahaa kooxda shabaab iyo xulafadooda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: