Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Bay oo joojiyey howlgalkii ay ka wadeen Aagga Gobolka Bay.

Ciidamada-dowladda.jpg2War naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo tiradooda ay kor u dhaafayaan boqolaal askari ayaa waxay joojiyeen howlgalkii ay ka wadeen Aagga Cobolka Bay, waxayna gadoodkaas sabab uga dhigeen inaysan wax xuquuq iyo Mushaar ah ka helin dowladda Soomaaliya muddo bilooyin ah.

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay sameeyeen gadood, wuxuuna sheegay inay ka cabanayaan xuquuq la’aan ka tamid dhinaca dowladda Soomaaliya.

Ciidamadan gadooday ayaa la sheegay inay isbaaro dhigteen maanya-fuulka oo dhinaca bari kaga beegan degmada Baydhabo, waxaana saraakiisha hoggaaminaya ciidanka ay sheegeen inaysan ciidamadu helin wax daryeel ah, taasna ay keentay inay gadoodaan.

Sidoo kale Ciidamadan dhigtay Isbaarada ayaa waxay gaadiidka kaga qaadanayaan lacago aan sharci ahayn, iyadoo tani ay dhabar-jab ku noqonayso howlaha ay dowladdu ku doonayso inay ku sugto ammaanka guud ee dalka, kuna dardar-geliso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dhanka kale Tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya maalmo ka hor tagay degmada Garbahaarreey isagoo sheegay in ciidamada gobolkaas ku sugan loo billaabayo mushaar iyo inay helaan xuquuqdooda bil walba.

Balse run ahaantii Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya horumarka ka gareen tan iyo billowgii sannadkan, waxayna hadda gacnta ku hayaan afar degmo oo gobolka Bay ka tirsan.

SomaliSwiss     Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: