Advertisements

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta loo qeybiyey Nuqulka Miisaaniyadda sanadka 2013 ee dowladda ku shaqeynayso .

Barlamaanka Cusub.jpg1Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta loo qeeybiyay Nuqullo qoraal ah ee ku saabsan Miisaaniyadda ay dowladda ku shaqeynayso sanadka 2013 si ay u aqristaan, isla markaana ay talooyinkooda uga dhiibtaan.

Kulankan ay maanta Mudanayaasha Baarlamaanka ku yeesheen xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka waxaana soo xaadiray 170 Xildhibaan  waxaana ajandaha maanta uu ahaa in Wasiirka Maaliyadda iyo Qoorsheynta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya uu Baarlamaanka hor-keeno Miisaaniyad sanadeedka 2013.

Sidaas darteed markii uu guddoonka Furay shirka kadib waxaa xildhibaanada Qaranka loo qeybiyay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2013 oo qoraal ah qeybinta kadibna waxaa khudbad ka jeediyay kulanka baarlamaanka ee maanta wasiirka wasaaradda maaliyada iyo qorsheynta Maxamuud Xasan Suleebaan.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Nuqulka loo qeybiyay xildhibaanada ay soo aqristaan si ay ra’yigooda uga dhiibtaan isla markaana wax loogu daro ama laga dhimo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa soo xiray kulankii maanta ay yeesheen baarlamanka Soomaaliya isgagoona tilmaamay in xildhibaanada ay haystaan mudo Seddax maalin ah oo ay ku soo aqrisankaraan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: