Advertisements

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo maanta kormeer ku tegay Gobolka Sh/Hoose

Wafdi UNWafdi ka socday Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa maanta kormeer dhinaca bini’aadanimada ah kusoo maray deegaano kamid ah gobolka Shabeelaha hoose.

Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayay Abduldia oo ka tirsan xafiiska bani’adanimada AMISOM, waxaana soo dhaweeyay Maamulka gobolka Shabeelaha hoose.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdi Qaadir Sheekh Maxamed Nuur ayaa wariyayaasha u sheegay in wafdiga ay kormeer ku soo mareen deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha hoose, wuxuuna sheegay in ay tahay talaabo lagu farxo.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wafdiga ay ka codsadeen in ay wax ka qabtaan xaaladaha ka jira gobolka ayna ka aqbaleen.

SomaöiSwiss      Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: