Advertisements

Qaar ka mid ah nabad doonada beelaha Puntland oo caawa maamulku u taxaabay xabsiga magaalada Garoowe.

qafaal puntlandCaasimadda Puntland ee Garoowe ayaa caawa lagu xiray 4 Hogaamiye dhaqameed oo ka mid ahaa nabadoonada beelaha Puntland qaarkood, kuwaas oo maanta ka tegay magaalada Boosaaso, iyagoo ka mid ahaa ergooyin badan oo halkaas kuwada ballansanaa oo doonaya in ay xal u raadiyaan sidii looga gudbi lahaa muranka siyaasadeed ee ka taagan Puntland oo laga cabsi qabo inuu dhaco qalaanqal siyaasadeed faraha ka baxa.

Nabadoonnada caawa xabsiga loo taxaabay oo lagu xiray amar ka soo baxay madaxtooyada Garoowe ayay magacyadoodu waxay kala yihiin sidaan:

Nabadoon Shoonbe Maxamuud Afcase
Nabadoon Sahal Cabdisalaan
Nabadoon Maxamed Maxamuud
Nabadoon Shirwac

Ergada oo ka koobnaa ilaa Shan xubnood ayay Hotelkii ay maanta ku soo degeen ee Hotel Al-Xarameyn ka soo  kaxeeyeen Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), duqa magaalada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cilmi (Diin) iyo saraakiil horkacayey ciidamada madaxtooyada Garoowe waxaana la sheegay in ay ku wargeliyaan in ay warqad lagu xirayo ka wataan Madaxtooyada Puntland, iyadoo  odoyaashana sidaas xabsiga loogu dhaadhiciyey.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal oo qaar ka mid ah warbaahintu ay wax ka weydiisay sababta nabadoonada loo xiray ayaa ku jawaabay “Kuwaani maaha nabadoono ee waa qaswadayaal waxbaan ka qoreynaa kadibna magaalada ayaan ka tarxiileynaa” iyadoo hadalkaasi dadwaynaha reer Puntland ku noqday mid laga argagaxay maadaama Garowe ay tahay Caasimadda Puntland oo loo wada siman yahay.

Dhinaca kale warar ay helayso shabakadda SomaliSwiss ayaa sheegaya in isla maanta magaalada Garowe lagu xirey Axmed Cabdi oo ah nin la dhashey Abwaan Cabdulqaadir Shube, iyadoo wararku sheegayaan in arrinta xarriggiisu ay laxiriirto fikirkiisa iyo inuu ka mid ahaa dadka aaminsan in waqtigii doorashada la soo gaarey oo dowladda xilligaan waqtigii ka dhamaaday.

Sidoo kale maanta ayaa xabsiga laga sii daayey Cabdikaafi Xassan Maxamed oo ahaa agaasime ku xigeenka Hay’adda Daryeelka Bulshada Puntland kaas oo saddex maalmood xabsiga ku jirey isla markaana looga dabageeyey wareegto xilka looga qaadayo. Cabdikaafi oo ah nin Indhoole ah ayaa la sheegay in Madaxweynaha Puntland sheegay inuu masuulkaas indhoolka ah khatar ku yahay maamulkiisa.

Soodeynta Cabdikaafi waxaa ka ergeeyey qaar kamid ah Isimada gobolka Nugaal sida Islaan Ciise Islaan Maxamed, iyadoo Cabdikaafi uu diidey dhamaan shuruudihii la doonaayey in lagu siidaayo oo laga saxiixo waxaana uu sheegay in waxa lagu xiray ay tahay erayga uu horey u yiri ee ahaa “Garowe waa loo siman yahay, maamulkana maalmo ayaa xilka uga haray” isagoio xusay in taasi ay tahay mid uu qabo waqti kasta wixii lagu sameeyaba.SomaliSwiss Garowe

SomaliSwiss@hotmail.com

 

Advertisements
%d bloggers like this: