Advertisements

Madaxweyne Faroole iyo wiilkiisa oo shalay madaxtooyada gudaheeda ugu gacan qaaday Wasiirka Maaliyadda Puntland.

Puntland state houseMadaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole iyo wiilkiisa Cismaan C/raxmaan ayaa si wadajir ah shalay xafiiska madaxtooyada Garoowe gudahiisa ugu gacan qaaday wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo halkaas madaxweynuhu ugu yeeray.

Ilo kala duwan oo xog ogaal ahaa, isla markaana isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil iyo dadweyne kale oo SomaliSwiss u xog warramayey 36-kii saac ee lasoo dhaafay, kuna sugnaa xilliga dhacdaasi gudaha madaxtooyada ayaa dhammaantood xaqiijiyey, in ay Wasiir Faarax ku goobteen madaxweynaha iyo wiilkiisa ka dib markii Mr. Faroole ka xanaaqay xogta ku keydsan buugga diiwaanka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo wasiirka lagu amray inuu keeno madaxtooyada si loo indha indheeyo.

Farax Cali ShireWasiirka oo socodka xafiiska madaxtooyada uu ku wehliyey xoghayihiisa oo lagu magacaabo Axmad Jowle ayuu gacan ka hadalku bilowday wax yar ka dib markii uu xisaabaadka buuga ku qoran uu madaxweynaha u akhriyey wiilkiisa Cismaan Faroole oo xafiiska kula sugnaa, iyadoo intaas ka dibna uu madaxweynuhu diiwaankii wiilki akhrinayey intuu ka qaaday wejiga uga dharbaaxay Wasiirka.

Xogtan ayaa sheegeysa in ficilkaasi ka dib Wasiirka iyo xoghayihiisa ay ka istaageen kuraastii ay ku fadhiyeen, iyadoo isla markiiba uu Cismaan Faroole uu wasiirka feer ku bilaabay intii aanu istaagin Wasiirka, iyadoo dabadeedna uu ka qabtay Xoghayaha oo u sheegay inuu isdajiyo, halka intii xoghayuhu qabanayey wiilka uu madaxweyne Faroole Feer Dhabarka dambe kaga dhuftay Wasiirka oo iridka xafiiska kasii baxaya, taas oo fududeysay in ay arkaan dadkii banaanka xafiiska ku sugnaa xilligaasi.

SomaliSwiss Garoowe

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: