Advertisements

Madaxweynaha Somaliya oo AU-da iyo ururada caalamiga ah ugu baaqay inay xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

Madaxweyne-xasan.jpg4Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya maanta ku qaabilay Ergay dhowaan Midowga Afrika u soo magacaawday dalka Soomaaliya Ambassador Annadif Mohamat Salah.

Ergayga ayaa wuxuu Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u soo  rarayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa wuxuu si aad ah u  soo dhoweeyay u soo guurista xafiiska Midowga Afrika, taas oo uu ku tilmaamay talaabo muhiim ah oo qeyb ka ah dib u dhiska iyo nabadda dalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay ururada kale ee caalamiga ah inay xafiisyadooda ka furtaan dalka Soomaaliya.

Munaasabadda qaabilaaddaas wuxuu Madaxweynuhu ugu baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta Lixda tiir ee udub dhaxaadka u ah  siyasadiisa ay ku howl-galayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: