Advertisements

Dowladda Holland oo dib u celinaysa dadka Qaxootiga Soomaaliyeed ah ee dalkooda ku sugan.

somalie HollandDowlada Nederland ayaa sheegtay in ay qorsheynayso qaabka iyo sidii ay dib ugu celin laheyd Qaxooti Soomaaliyeed oo dalka Holland ku sugan, kuwaas oo ay doonayaan in ay ka tarxiilaan dalkaas, kuna celiyaan dalka Soomaaliya.

Wargeysyada ka soo baxa dalkaas ayaa waxaa lagu qoray, in qoorshaha dib u celinta Soomaalida uu ku yimid kadib markii  la sheegay in xaalada amaan ee caasimada Muqdisho ee Soomaaliya ay soo hagaageeyso, balse waxay tilmaameen in qaxootida Soomaalida ay wali baqdin ka qabaan in lagu celiyo Soomaaliya, taas oo ay sheegeen in Qatar ay ka soo wajihi karto.

Mr. Fred Tevan oo ah Wasiirka Socdaalka ee wadanka Holand ayaa Baarlamanka dalkaasi ka hor sheegay in loo baahanyahay in Baarlamanku uu go’aan ka gaaro arrinta qaxootiga Soomaalida.

Dowlada ayaa hore u joojisay in qaxootiga u dhashay Soomaaliya loo masaafuriyo dalkooda, taas oo ay sabab uga dhigeen amaanka oo aan wali caga adag ku taagneyn.

Sidoo kale dalal ay ka mid yihiin Jarmalka, Sweden iyo Biljim ayaa iyaguna ku adkeysanaya in ay dib u celiyaan dadka asalkoodu yahay Soomaalida’’sidaas waxaa Golaha Barlamanka dalka Niederland ka horsheegay wasiirka Socdaalka ee dalkaas.

Ugu danbeyntii Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray in Soomaalida qaxootiga ah ee ku sugan dalka Holland ay diideen in dib loogu celiyo Soomaaliya, wuxuuna Wasirku hoosta ka xariiqay in arrintasi loo baahan yahay in Baarlamanku uu go’aan ka gaaro.

SomaliSwiss       Amstardam

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: