Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo la wareegay Magaalada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose.

Kismaayo.jpg 1Saakay Waaberigii ayaa waxay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegen gacan ku heynta deegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose iyagoo ku sii siqaya goobo hor leh oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa saaka gudaha u galay deegankaasi kadib markii ay Al-shabaab isaga baxeen markii ay ciidamadu ku soo dhawaadeen duleedka deeganka Kudhaa oo ay saacadihii la soo dhaafay ku Sugnaayeen.

Sida la sheegay Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo aad u hubeysan ayaa saaka gudaha u galay deegaanka Kudhaa oo ahaa fariisinka ugu weyn ee A-lshabaab ay ku lahaayeen gobolada koonfurta Soomaliya marka laga eego dhinaca tababarada maleeshiyaadka iyo saanadaha hubka oo ay ku keydsan jireen

Ciidamada dowlada ayaa isku balaariyay islamarkaana isku gedaamay wadooyinka soo gala Jasiiradda Kudhaa oo ah dhul howd ah oo ay alshabaab qorsheynayeen inay gabbaad ka dhigtaan marka ay ciidamada dowladdu isku balaariyaan gobolka Jubada hoose.

La wareegidda Jasiiradda Kudha ayaa waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay dadka deegaanka, waxayna sheegeen in xaaladdu ay saaka deggen tahay, islmarkaana ay bulsho farabadan oo reer miyiga ah ay isugu soo baxeen Kudhaa, iyagoo sacab ku soo dhawynaya askarta dowladda oo waaberigii saaka galay deegaanka Kudhaa.

Sidoo kale ilaa haatan ma jirto wax war ah oo arintaas ku saabsan oo kasoo baxay dhanka Masuuliyiinta Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka.

Si kasta ha ahaatee magaalooyinka iyo deegaanada ka baxaya gacanta Al-shabaab ayaa isa soo taraya bilihii ugu danbeeyay kadib markii ay ciidamada qalabka sida ay la galeen guluf dagaal oo xoog leh, kuna qaadeen goobihii ay Al-shabaab ku sugnaayeen taas oo keentay in lagala wareego guud ahaan dalka marka laga reebo tuuloyin yar yar oo ay ku dhuumaaleystaan iyo magaalada Bu’aale oo ah Xarunta J/Dhexe kaliya ee gacanta ugu jirta Al-shabaab, halka goobaha kale ee ay ku dhuumaleysanayaan ay yihiin magaaloyin yar yar iyo tuulooyin ay dhan weliba ka fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

SomaliSwiss      Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: