Advertisements

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo qarax ka dhacay loo qabqabtay dad u dhashay dalalka Soomaaliya iyo Yeman.

IsliiWar saakay naga soo gaaray xaafadda Islii in dad u dhashay dalalka Soomaaliya Yemen ayaa loo xir xiray Qarixii ka dhacay magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, iyadoona wali ay wadaan Booliska Kenya hawlgallo ay ku xaqiijinayaan Ammaanka caasimada dalkaasi.

Ciidamada booliska dowladda Kenya oo howlgal ka wado xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa xabsiga u taxaabay 8 qof oo u dhalatay dalka Yeman iyo qof Soomaali ah kuwaas oo laga soo qabtay guri u dhow goobtii uu xalay Qaraxa ka dhacay.

Madaxa ciidamada booliska Nairobi Moses Ombati ayaa sheegay in dadkii la qabtay ay su’aallo weydiin doonaan maadaama looga shakiyay in ay ku lug leeyihiin qaraxii xalay ka dhacay meel u dhow masaajidka Al-hidaaya ee xaafadda Islii.

Moses Ombati ayaa intaasi raaciyay in la xoojin doono ilaalada ay ciidamada booliska ka hayeen xaafadda Islii si loo sugo amaanka maadama ay ka dhaceen dhowr qarax.

Goobta uu xalay qaraxa ka dhacay ayaa u dhow masjidka Al-Hidaaya kaas oo 6 bishan December uu ka dhacay Qarax ay ku geeriyoodeen in kabadan 4 Ruux iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan oo uu ku jiray xildhibaanka laga soo doortay dagmada Kaamajuula oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: