Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka degay Jabuuti, si uu uga qaybgalo Sanad-guuradii 40-aad ee Qorista farta Soomaaliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.jpg9Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo marwadiisa ayaa xalay ka degay garoonka diyaaradaha Jabuuti, halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen madaxda Dowladda Jabuuti oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Soo dhaweynta kadib Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa loo galbiyay Hotelka Kambniski, wuxuuna halkaasi kulan kula qaatay madax kala duwan, waxayna xalay wadahadalo socday muddo dhowr saacadood ah wada qaateen Madaxweynaha Jabuuti, waxayna ka wadahadleen arrimaha labada wadan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay safarkiisa ku wehliyaan saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya, Xildhibaano, iyo Gudoomiyayaasha jamaacadaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa loo galbiyey Hotelka kempiski ee magaaladda Jabuuti, waxaana caawa halkaasu casho sharaf ugu sameyey Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Ugu dambeeyntii iyo wafdiga ayaa maalinta berrita ah ka qayb geli doona sannad guuradii 40 aad ee ka soo wareegatay markii ugu horeysay ee la qoro Afka Soomaaliga ee uu ujeedda safarka ahaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya wuxuu ka qayb galayaa shirka 40-guurada ka soo wareegtay qorista farta Soomaaliga oo maanta ka furmaya Caasimadda dalka Jabuuti, munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb gelayaan madax kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Gobollada Woqooye ee Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wufuud ka socota dalalka caalamiga ah.

Sida ay wararka sheegayaan magaalada Jabuuti ayaa 48kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa ku soo qulqulayay dadkii lagu casuumay inay munaasabadda 40-guurada ka soo wareegtay qorista farta Soomaaliga.

SomaliSwiss     Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: