Xaalad Jahawareer oo maanta ka jirta degmada Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo isaga baxay.

An Al Shabaab soldier stands next to women during food distribution at a displaced persons camp in ShebelleMaleeshiyadka Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay  isaga baxay degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay Maamulka degmada Diinsoor, waxayna sheegeen in maleeshiiyadaas ay u dhaqaaqay dhanka degmada Buur-hakaba.

Horjoogayaasha maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa intaysan ka bixin ka hor dadka ku nool degmadaasi ku amray in aysan ka agdhawaan ciidamada dowlada, iyagoo ugu hanjabay in ay gowrici doonaan cidii la shaqeysa ciidamada dowlada waxeyna sheegeen inay ka baxayaan magaalada gadaalna ay u soo eegayaan..

Sidoo kale dadka ku nool degmada Diinsoor ayaa isu diyaarinaya sidii ay usoo dhaweyn lahaayeen ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo iyagu ku sii siqaya degmadaasi,waxaana maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gobolka Bay kaga hareen degmada Buur-hakaba oo kaliya, kadib markii maalin ka hor laga xoreeyay degmada Ufurow.

Dhanka kale Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay iyo kuwa Itoobiya ee caawinaya ayaa fariisimo ka sameystay gudaha iyo daafaha degmada Ufuroow, iyadoo cabsi weynna ay ka jirto degmada Diinsoor oo 17-km u jirta Ufuroow.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin ka bixixtaankeeda degmada Diinsoor, balse maalin ka hor ayay isaga baxeen degmada Ufuroow oo isla gobolkaas ka tirsan, iyadoo ay si nabadgalyo ah kula wareegeen degmadaas ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale, wararka laga helayo degmada Ufuroow ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaheeda degmadaas, iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu ka billaabeen halkaas howlgallo lagu sugayo ammaanka.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay sida aadka ugu hardamayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay ka talinayay gobolkaas oo dhan.

SomaliSwiss      Ufurow

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: