Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo maanta u socdaalay dalka Jabuuti oo uu berri ka furmayo kulanka 5-ta Soomaali.

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta galabnimadii wuxuu u Socdaalay Jamhuuriyada Jabuuti si uu uga qeyb galo Sanad-Guuradii 40 aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay qorista af Soomaaliga.

Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad ku xeel dheer qorista luuqadaha iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed. Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka oo narrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: ”waxaan ka shaqeyn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan” Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka waxbarashada ee Soomaaliya, taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: